Home Wararka Filimada AKHRISO: Imisa Jeer Ayee India Qaaday Abaalmarinta Miss World Tan Iyo Markii La Bilaabay & Liiska Gabdhaha India Ee Ku Guuleystay.
June 18, 2018

AKHRISO: Imisa Jeer Ayee India Qaaday Abaalmarinta Miss World Tan Iyo Markii La Bilaabay & Liiska Gabdhaha India Ee Ku Guuleystay.

India waa wadanka ugu badan ee ku guuleystay abaalmarintan gabadha ugu quruxda badan adduunka.

6 jeer ayee hanteen abaalmarintan, gabdhaha qaaday waxaa ku jira kuwo la yaqaana oo filimada jila.

Liiska Magacyada  Gabadhaha & Xilliga Ay Qaadeen Abaalmarinta:

SANADKA DALKA MAGACA GABADHA GUULEYSATAY
1966 India Reita Faria
1994 India Aishwarya Rai
1997 India Diana Hayden
1999 India Yukta Mookhey
2000 India Priyanka Chopra
2017 India Manushi Chhillar

1.Reita Faria (1966)

Reita Faria Indian Miss World

Waa Haweeneydii ugu horeysay Hindi ah oo ku guuleysata abaalmarinta gabadha ugu quruxda badan Dunida, waxayna ahayd sanadkii 1966-kii.

Sidoo kale waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee ka qaarada Assia hanata abaalmarintan.

2.Aishwarya Rai Bachchan (1994)

Aishwarya Rai India's Beauty Queens

Boqoradda Bollywood-ka Aishwarya Rai ayaa ku guuleysatay Tartanka Miss India ee sanadkii 1994-kii  sidoo kale waxay noqotay gabadha ugu quruxda badan adduunka.

Waqtigaasi Aishwarya waxay ahayd 21 jir ardayad ah.

3.Diana Hayden (1997)

Diana Hayden Indian Miss World

Kadib Reita Faria iyo Aishawarya Rai, Diana Hayden waxay noqotay gabadhii 3aad oo Hindi ah ku guuleysata quruxda adduunka, sanadkii 1997-kii, ka dib guusheeda waxay isku dayday inay xooga saarto Bollywood-ka balse kuma aysan guuleysan.

4.Yukta Mookhey (1999)

Yukta Mookhey India's Beauty Queens

Sanadkii 1999-kii , Yukta Mookhey ayaa ku guuleysatay abaalmarintan ” Miss World ” waxayna waqtigaasi ahayd 22 jir.

5.Priyanka Chopra (2000)

Priyanka Chopra Miss World

Ka dib markii ay kaalinta labaad ku dhameysatay tartanka ” Femina Miss India ee sanadkii 2000, isla sanadkaas waxay ku guuleysatay  Priayanka Chiopra  abaalmarinta ” Miss World ” isla sanadkaasi waxay ku biirtay Bollywood-ka , filimkeedii ugu horeeyay ma ahayn mid fiican, balse da`daal iyo howl adag kadib waxay kortay jaran jarada nolasha, waxayna ka mid noqotay gabdhaha Bollywood-ka jila kuwooda ugu fiican.

6.Manushi Chhillar (2017)

Miss World 2017

Manushi Chillar waa gabadha difaacanaysa quruxda adduunka, waxayna abaalmarintan hanatay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

DF oo Dib U Soo Celisay Heshiisyo Lala Galay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil

Muqdisho: Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday…