Home Wararka Filimada Sawiro/muuqaal Arooska Priyanka iyo Nick iyo dagaal ka dhex qarxay saxaafada
December 7, 2018

Sawiro/muuqaal Arooska Priyanka iyo Nick iyo dagaal ka dhex qarxay saxaafada

Dadka reer Hindiya ee adeegsadaga baraha bulshada ayaa aad u difaacay go’aanka Priyanka Chopra ee ah in ay guursato fannaanka u dhashay Mareykanka ee Nick Jonas, kadib markii bog intarnet oo laga leeyahay dalka Mareykanka uu Priyanka ku tilmaamay ” daneysato” doonaysa inay ku dan gaarto Nick Jonas.

Maqaalka oo lagu daabacay bogga intarnetka ee The Cut ayaa waxaa ka dhalatay caro aad u ballaaran. Dad badan oo reer Hindiya ah oo aan markii hore la dhacsaneyn guurka labadan lamaane ayaa haatan u weecday difaacidda Priyanka Chopra.

Qaar badan oo kamid ah dadkaasi ayaa maqalkaasi ku tilmaamay mid cunsurinimo ay ku dheehantahay.

Soo ifbixidda maqaalkan ayaa baddelay hadal heyntii dhowrka maalin ka taagneyd dalkaasi oo aheyd in arooska Priyanka iyo Nick laga badbadiyay.

Hasa yeeshee arrinkaasi ayaa haatan u muuqda mid meesha ka baxay oo waxa dadka inta badan ay noqdeen kuwa Priyanka ka difaaca warbixinta laga qoray.

Markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Priyanka Chopra iyo Nick Jonas ay aqal galayaan, dad badan waxba kama aysan ogeyn qofka uu yahay Nick Jonas, waxaase maqaalkan uu waxbadan ka baddelay fikirkii laga aaminsanaa.

.Getty Images
Priyanka Chopra iyo Nick Jonas

Maqaalka bogga The Cut oo la daabacay saddex cisho uun kadib aqal galka labadan lamaane ayaa sidoo kale lagu sheegay in Nick Jonas uusan ku qanacsaneyn guurka, balse Priyanka Chopra ay ku khasabtay.

Inkastoo caro baahsan ay ka dhalatay maqaalkaasi ayaa hadana boggaasi waxaa uu ku khasbanaaday in ay meesha ka saaraan warbixinta oo dhan.

Arrintan ayaa waxaa si caro leh uga hadlay jilayaal badan oo caan, kuwaasi oo ay kamid yihiin jilayaasha reer Hindiya ee Sonam Kapoor iyo nin ay walaalo yihiin Nick Jonas oo lagu magacaabo Joe Jonas .

Priyanka Chopra ayaa iyadu na mar wax laga weydiiyay maqaalkan laga qoray waxaa ay sheegtay in aysan iminka dooneyn inay ka hadasho arrintan oo xili farxadeed ay ku jirto.

Priyanka Chopra oo 36 jir ah, caan na ku ah aflaanta Hindiga iyo Nick Jonas oo 26 jir heesa ah, una dhashay Mareykanka ayaa ku aqal galay dalka Hindiya.

https://youtu.be/LxnR4jrfQu8

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

DF oo Dib U Soo Celisay Heshiisyo Lala Galay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil

Muqdisho: Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday…