Home WARARKA World News In ka badan 100 ruux oo lagu dilay Qaraxyo ismiidaamin ka dhacay dalka Sri Lanka
4 weeks ago

In ka badan 100 ruux oo lagu dilay Qaraxyo ismiidaamin ka dhacay dalka Sri Lanka

Ku dhowaad 156 ruux ayaa lagu dilay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaaday kaniisado iyo Hotelo ku yaala dalka Sri Lanka, iyadoo qaraxyo ay ahaayeen lix qarax oo is xig xigay.

In ka badan 500 oo ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyada oo ahaa ismiidaamin, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashada uu intaas ka sii bato.

Booliska ayaa sheegaya in labo ka mid ah qaraxyada looga shakisan yahay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fuliyeen dad xirnaa jaakadaha qaraxa

45 ka mid ah dadka ku dhintay qaraxyaas ayaa ku sugnaa kaniisad ku taal magaalada caasiamdda ah ee Colombo, halka 67 kalena ay ku dhinteen Kaniisad ku taala magaalada Negombo ee waqooyiga caasimadda.

Sidoo kale 25 kale ayaa ku dhimatay kaniisad ku taal magaalada Batticalao ee bariga dalka Sri Lanka.

Illlaa saddex Hotel oo kale ayaa la weeraray, waxaa la sheegayaa in dadka ku dhintay weeraradaas ay 35 ka mid ah yihiin dad Ajnabi.

Dalka Sri Lanka ayaa ku yaala Koofurta Aasiya waxaa uu dhacaa Badweynta Hindiya waa dal jaziirado leh oo caan ku ah dalxiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Warar Dheeraada oo kasoo baxaya Qaraxii ismiidaaminta ee lagu weeraray Xarunta degmada Wardhiigley

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay xarunta d…