Home WARARKA Somali News Warar Dheeraada oo kasoo baxaya Qaraxii ismiidaaminta ee lagu weeraray Xarunta degmada Wardhiigley
May 14, 2019

Warar Dheeraada oo kasoo baxaya Qaraxii ismiidaaminta ee lagu weeraray Xarunta degmada Wardhiigley

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley, iyadoo qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan laga maqlay magaalada Muqdisho oo dhan.

Qaraxa ayaa ahaa gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaano Noha, kaasoo lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana ka dhashay burbur aad u xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan labo ruux iyo dhaawac kale, inkastoo aan la heyn faah faahin rasmi ah.

Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah.

Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dagaal Ay ku dhinteen 40 maxaabiis oo ka dhacay Dalka Brazil

Dowlada Brazil ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 maxbuus ay ku dhinteen Isniintii shalay xabs…