Home WARARKA Somali News Sawiro/warbixin Puntland oo qaranaysay ciidamo ka soo-goostay Somalilamd
May 30, 2019

Sawiro/warbixin Puntland oo qaranaysay ciidamo ka soo-goostay Somalilamd

Dawlada puntland ayaa degaanka Balibusle ee gobolka sanaag kuso dhawaysay ciidamo horay uga tirsanaa maamulka Somaliland, balse hada kuso biiray puntland.

Goobta ciidankan lagu soo dhawaynayay waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Amniga Abdisamad Gallan, maamulka gobolka sanaag iyo taliska ciidamada puntland.

Ciidamadan oo gaaraya Dhawr boqol ayaa ka goostay somaliland ka dib markii ay diideen oo ay ka horyimaadeen, Amar lagu siiyay in ay weeraraan Degmada Badhan.

Saddex sarkaal oo ciidaman hogaaminaya ayaa mid walba doonaya in si gooniya loo qarameeyo, iyada hawsha qaramaynatana ay gobolka sanaag u joogaan masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada.

Xiisada gobolka sanaag oo todobaadkan jawi kale ahayd, waxaa isa soo taraya masuuliyiinta gobolka ugu magacawna somaliland ee iska casilaya xilalka ay hayeen, waxaana saaka is casilay gudoomiyihii Sanaag ugu magacawnaa somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ka qayb galay Shir Caalamiya oo ka dhacay dalka Rwanda+sawirro

Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), …