Home WARARKA Somali News Maxamud Siraaji oo ku guuleystay kursigii Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday walaalkiis
February 15, 2018

Maxamud Siraaji oo ku guuleystay kursigii Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday walaalkiis

Maxamuud C/llaahi Siraaji ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer, kaasoo doorashadiisa ka dhacday magaalada Kismaayo.

Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday Cabaas Siraaji oo sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo si layaab leh ugu guuleystay doorashada kursiga sanadkii 2016.

Maxamuud Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis.

Waxaa uu ka mid noqonayaa dhalinyarada ka tirsan Golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Madaxwayne Axmed Madoobe oo Mar kale loo doortay Xilka Madaxweynanimo ee Jubbaland

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u doortay Axmed Mado…