Home WARARKA Somali News Maxaa Kala Socotaa Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku Martiqaaday Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho?
April 7, 2019

Maxaa Kala Socotaa Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku Martiqaaday Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale martiqaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada inay bishan isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, si uu uga dhaco shir Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo loo qorsheeyay inuu dhaco 19-23 April ayaa si gaar ah martiqaad loogu diray Madaxda maamul goboleedyada, iyadoo qabsoomida shirkan la sheegay inuu yahay mid ay gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka oo dooneysa in dib loo soo celiyo xiriirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sanad ka hor hakad ku yimid.

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in shirkaas looga hadli doono ajandayaal degdeg ah, sida Amniga Qaranka, xoojinta xiriirka dowladda Federaalka dowlad goboleedyada, dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish,

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Madaxda Maamul goboleedyada ay aqbaleen martiqaad,a isla markaana maalmaha soo socda ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalin ka hor waqtiga loo asteeyay inuu shirka furmo, waxaana uu noqon doonaa socdaalkiisa u horeeyay uu ku yimaado Muqdisho, isagoo ah Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer oo hore martiqaad u diray Madaxda dowlad Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, xilli uu taagnaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee Maamul Goboleedyada ayaa ku gacan seyray martiqaadkaas.

Shirkii ugu dambeeyay ee Madaxda Maamul goboleedyada ay yeeshaan waxaa uu dhacay bishii June ee sanadkii hore, kaasoo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wixii xilligaas ka dambeeyay wax shir ah oo ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka ma jirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dagaal Ay ku dhinteen 40 maxaabiis oo ka dhacay Dalka Brazil

Dowlada Brazil ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 maxbuus ay ku dhinteen Isniintii shalay xabs…