Home WARARKA Somali News Faahfaahin:Abiy ahmed oo tuute xiran shacabka kala hadlay Cinqilaabki Xalay
June 23, 2019

Faahfaahin:Abiy ahmed oo tuute xiran shacabka kala hadlay Cinqilaabki Xalay

Ethiopia – Waxaa mar qura wadanku galay xaalad degdeg kadib marki wadanka ka dhacay Cinqilaab Fashilmay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo xiran tuutaha Millatary ga ayaa saqdi dhexe ee Xalay Si live ah uga soo muuqday tvga dalkaasi. Raysal wasasraha ayaa si adag u cambaareeyay cinqilaab uu ku sheegay Inuu fashilmay.

Wuxuuna cadeeyay in la dilay taliyihii ugu sareeyay ciidanka Militaryga Ethiopia Gen. Seara mokennon, wuxuuna shacbiga ugu baaqay inay isdajiyaan kana hortagaan cidkasta oo burburinaysa dalkooda una kala qaybinaysa qoowmiyado taaso khatar wayn ku keeni karta wadanka Inuu galo dagaalo qabali ah.

Warar dheeraad ah aanu ka helayno Ethiopia ayaa sheegaya in ladilay madaxweynahi dawlada Amxaarada Dr ambachew mokennon iyo sidoo kale saraakiil sarsare heer federal iyo heer dowld Deegaanada Amxaarada ah

Ciidanka Ethiopia cir iyo dhulba waxay Hada si toosa uga amarqaadanayaan raysal wasaare Abiy ahmed

Waxaana gudaha caafimaada Addis Ababa lagu arkaya ciidan aad u hubaysan oo meel walba la soo daadshay sidoo kale Ilaa Xalay saqdi dhexe waxaa magaalada dul hayhaabayay diyaarado badan oo dadka argagax galiyay

Lama oga halka uu xaalku ku danbayn doono. Waxaase gabi ahaanba degan Dowlad deegaanka Soomaalida

Warar Dheerad ah xaalada Ethiopia kala soco SOMALIMAIL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Faahfaahin Dawlado Federalka oo ciidamo Military ah u daaguraysay Dhuusamareeh

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoon…