Home Arimaha Bulshada Egg Boy oo 70kun ugu deeqay dadki dhibku ka soo gaaray masjidki New Zealand
3 weeks ago

Egg Boy oo 70kun ugu deeqay dadki dhibku ka soo gaaray masjidki New Zealand

Wiil 17-sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Australia ,isla markaana ku can baxay Wiilkii Ukunta,ka dib kolkii uu madaxa Ukun kaga dhuftay siyaasi ku xadgudbay muslimiinta ayaa lacago gaaraya 70-kun oo doolar ugu yaboohay qoysaska dadkii wax ku noqday weerarkii loo geystay 2-dii masjid ee magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Will Connolly oo ka soo jeeeda magalada  Melbourne ayaa maalinimadii shalay baraha bulshada ku soo qoray in lacagahaasi uu u dhiibayo 2 urur samofal oo qaabilsan taageeridda dadkii wax ku noqday weeraradii 2-dii masjid.

Lacagahaasi ayaa lagu waramay in ay soo uruuriyeen taageerayaasha wiilkaasi xilli ay ku socotay dacwad loo heystay oo la xiriirtay ukun uu madaxa uga dhuftay Senetor hore (Fraser Anning) oo ka  hadlay weeraradii lagu fuliyay 2-dii masjid,kaas oo ku tilmaamay muslimiinta in ay yihiin asal raac,ayna sababeen weeraradaasi.

15-kii Marso ayeey aheyd matkii Brenton Tarrant oo ka soo jeeda Australian uu toogasho u geystay dad muslimiin ah oo ku sugnaa 2-masjid oo ku yaala dalka New Zealand year,kaas oo qudha ka jaray 51-ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

TOP NEWS XOG MUHIIM AH Norway iyo shidaalka Soomaaliya

Shirkadda STATOIL ee ay maalgeliso dowladda Norway, waa shirkada ugu aqoonta badan dhanka …