Home Uncategorized Tanushree Dutta Uguma Horeeyso Dadka uu Sida Xun Ula Dhaqmay Nana Patekar
October 9, 2018

Tanushree Dutta Uguma Horeeyso Dadka uu Sida Xun Ula Dhaqmay Nana Patekar

Nana Patekar waa jilaa aad caan uga ah Bollywood-ka, laguna yaqaan Hab Jilinkiisa Aan Caadiga ahayn Ee uu kusoo bandhigo Filimkasta.

Hadaba jilaagaan dabeecadiisa aad-ka u kulul una Xun mararka qaarkoodna aad baa loogu yaqaan Oo waxaa caddeyn u ah dadkey isku dhaceen khaasatan Jilaayaasha Bollywood. Isku dhicii ugu caansanaa wuxuu ahaa markey isku dhaceen actorka aadka loo jecelyahay ee Mr. Bond ( Akshay Kumar ). Dagaalkaan waxaa la oran karaa inuu yahay dagaalka kaliya ee ugu weyn ee Akshay kumar uu la galay Qof ay Isku xirfad yihiin kaasoo dhacay Xilli ay isla Duubayeen Filimka Welcome.

Dagaalku wuxuu ka bilowday muran ah inay isku fahmi waayeen ciyaar la duubayay (Dance) sida qeybo kamida loo qoob-ka-ciyaari lahaa

Haddase waxaa ka warantay Actor-da Tanushree Dutta Hagardaamadda iyo Cayda ay kala kulantay Jilaagaan silamida sida Akshay Kumar ay iskugu Qabteen Sidii loo qoob-ka-ciyaari lahaa mar ay Duubayeen hees loogu tala galay filimka Horn Ok Pleassss oo ah filim aan la soo saarin gebi ahaantiisba.

Dhanka kale Waxaa la sheegaa oo dad badan oo la shaqeeyay Jilaagaan ay cadeeyeen inuu Dabeecad qalafsan yahay.

Markuu hawsha filim jilista ku guda jiro uu xoog isticmaalo oo uusan kala fiirinayn ama tix gelinayn Qofka uu xooga u isticmaalayo inay ragyihiin ama dumar, anigase xataa waa igu dhacday saas oo waan U digay inuu si caadiya U dhaqmana waa u shegay wuuna iga joojiyay.

Manisha Koirala oo iyana ay yeesheen xiriir wada shaqeyneed oo kooban markey sameynayeen Filimka Agni sakshi Ayaa kala kulantay dhaqan xumo tiro badan oo xita ma uusan qarsan dhaqamadaas oo si public ayuu u sameynaayay.

Haddaba Ayadoo ay saas tahay haddane Waxba lagama qaban karo waayo Dadka isagoo kala ah waa awood badanyihiin Dadka waxaan ay ku dhiacayaane waxaa laga yaabaa inay yihiin Jilaayaal ku cusub saaxaadaan oo hadey ka dacwoodaan Waxaa dhacda in shaqo la’aan ku dhacdo oo caddeyn Waxaa u ah Gabadhaan kor kusoo xusnay Tanushree Dutta Xiliyadaas baa ugu danbeysay in shahaashadaha bollywood lagu arko, waayadaan danbana waxaa soo Batay dadka Ka dacwoonaya rag badan oo Shaqada Ku dhibaateeyay oo isugu jira Director-ro, Producer-ro iyo weliba jilaayaal isugu jira rag iyo dumar oo looma kala harin In amusnaanta iyo baqdinta laga baxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Wax ka ogow Director Imtiaz Ali Iyo Kartik Aryan Film-ka xiga ee ay ka wada shaqeen doonaan.

Kartik Aryan waxaa Mudooyinkii u danbeeyay aad u raadinayay Film soo saarayaasha bollywood…