Home Sport Ligue 1 Edinson Cavani Oo Ku Biiray Liiska Musiibada Dhaawacyada Paris Saddex Maalmood Ka Hor Kulanka Man United.
February 10, 2019

Edinson Cavani Oo Ku Biiray Liiska Musiibada Dhaawacyada Paris Saddex Maalmood Ka Hor Kulanka Man United.

Kooxda Paris St-Germain ayaa la kulantay dhirbaaxo kale oo dhul gariir ku noqtay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay gool dhaliyaha kooxdeeda iyo xulka qaranka Uruguay ee Edinson Cavani, wuxuuna dhaawacani Cavani ku soo beegmay saddex maalmood oo kaliya hor waqtiga ay PSG la ciyaari doonto kooxda xaalada cajiibka ah ku jirta ee Man United.

PSG ayaa markii horeba la dhibtoonaysay dhaawacyadii soo gaadhay Neymar Jr iyo Marco Verratti laakiin markii uu Edinson Cavani dhaawacani soo gaadhay waxay xaalada PSG u eeg tahay sida sheekada caanka ah “Cigaal shiidaadow col hortii jabay” iyada oo kooxda reer France ay hadda musiibo wayn dhexda kaga jirto.

kulankii ay Paris St-Germain la ciyaartay kooxda Bordeaux ayuu Cavani ka dhaliyay gool rekoodhe ahaa laakiin dhaawac muruqa bawdada ka soo gaadhay ayaa ku qasbay in garoonka looga saaray waxaana booskiisa buuxiyay da’yarka Kylian Mbappe.

Tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel oo markii horeba saxaafada la qaybsaday murugada ka haysata maqnaanshaha dhaawac ee Neymar Jr ayaa kadib kulankii Bordeaux waxa uu sheegay in aanu war fiican haysan balse ay wali sugi doonaan natiijada baadhitaanka Cavani.

Tababare Thomas Tuchel oo ka hadlaya xaalada Cavani iyo dhaawicii soo gaadhay ayaa yidhi: “Waxaa waajib in aanu sugno. Anigu ma haysto war fiican. Daacad ahaantii anigu ma ogi haddii uu Cavani ciyaari doono (kulanka Man United). Haa walwal ayay leedahay, ma haysano Edinson la mid ah sida aanan u haysan Neymar la mid ah’.

Weerarkii saddex aflaha ahaa ee PSG ayaa hadda ku soo koobnay da’yarka Kylian Mbappe waxayna Man United sii heshay war kasta oo fiican ka hor kulanka PSG iyada gabi ahaaba xaaladii waqtigii isku aadka Champions League la sameeyay ay isbadashay isla markaana ay hadda Man United tahay kooxda farxada ugu badan sii helaysa.

PSG ayaa hadda 13 dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Faransiiska kadib guushii ay ka gaadhay Bordeaux laakiin qiimo badan ayay guushani ku kacday waxayna ku wayday Cavani kaas oo hadda ay PSG sugayso natiijada baadhitaanada buuxa ee lagu samayn doono.

PSG ayaa talaadada February 12 waxay Old Trafford marti ugu noqon doontaa Manchester United oo aan hal kulan soo guuldaraysan tan iyo markii Jose Mourinho la caydhiyay waxayna hadda wajahayaan halis wayn Old Trafford kaga horaysa.

Source : Gool24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dagaal Ay ku dhinteen 40 maxaabiis oo ka dhacay Dalka Brazil

Dowlada Brazil ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 maxbuus ay ku dhinteen Isniintii shalay xabs…