Home Sport La Liga Eden Hazard Oo Haddaba Sii Cadeeyay In Ku Guulaysiga Finalka UEFA Europa League Uu Macasalaamayn Ku Haboon U Noqon Doono.
3 weeks ago

Eden Hazard Oo Haddaba Sii Cadeeyay In Ku Guulaysiga Finalka UEFA Europa League Uu Macasalaamayn Ku Haboon U Noqon Doono.

Eden Hazard ayaa haddaba sii shaaciyay waxa uu doonayo in uu sameeyo kadib finalka UEFA Europa League ee kooxdiisa Blues ugaga qayb gali doono caasimada Baku ee dalka Azerbiajan.

Eden Hazard ayaa irtay in ku guulaysiga koobka Europa League ee kooxdiisa Chelsea u noqon doono macasalamayntii ugu haboonayd ee uu Chelsea kaga bixi lahaa.

Eden Hazard ayaa la filayaa in finalka Europa League uu u noqon doono kulankisii ugu danbeeyay ee Chelsea maadaama oo uu heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxda Real Madrid.

Eden Hazard oo ka jawaabaya in ku guulaysiga Europa League ee Chelsea uu noqon doono macasalaamayntiisa ugu fiican ayaa yidhi: “Miyuu noqon doonaa macasalaamaynta ugu haboon? Haa”.

Eden Hazard oo ka hadlaya sida saamayntii guuldaradii EFL Cupka ee Man City ay u doonayaan in ay uga soo kabsadaan ayaa yidhi: “Waxaanu guuldaraysanay finalkii League Cupka, sidaa daraadeed, dhamadka xili ciyaareedka kani waa koobka aanu ku tagi karno”.

“Anigu waxa kaliya ee aan doonayaa waa ku guulaysiga koobka, waa intaas. Wax micno ah ma laha haddii aan gool dhaliyo iyo haddii aanan gool dhalin, haddii uu yahay kulankaygii ugu danbeeyay, waxaan rajaynayaa in aan koobkan keeno”.

Hadalka Eden Hazard ayaa ah mid jamaahiirta Chelsea haddaba u sii cadeeyay in uu bixi doono kadib finalka Eurpa League maadaama oo uu u arkayo in ku guulaysiga koobkani macasalaamaynta ugu fiican u noqon doonto.

Real Madrid ayaa rajaynaysa in marka uu soo dhamaado finalka Europa League in ay dhamaysitri doonaan heshiiska Eden Hazard oo la filayo in uu 100 milyan gini ku kici doono.

Source Gool24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dagaal Ay ku dhinteen 40 maxaabiis oo ka dhacay Dalka Brazil

Dowlada Brazil ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 maxbuus ay ku dhinteen Isniintii shalay xabs…